Booliiska Baqdaad oo qabtay nin lacag badan ku iibinayay 2 haween ah (Waalid wiilkooda iibinayey oo horay loo qabtay)

0

(Baqdaad) 07 Feb 2021 – Booliiska Ciraaqiga ah ee Baqdaad ayaa gacanta ku dhigay nin hollinayey inuu iibiyo laba haween ah oo uu ku gadi lahaa lacag dhan $60,000 oo doollar, sida ay faafisay warbaahinta dalkaasi.

“Mid ka mid ah ilaheenna qarsoodiga ah ayaa noo sheegay in haweenka lagu iibin lahaa xaafadda Al-Karkh,” ayuu qoray Aramme.com oo aan sheegin tafaasiil ku saabsan arrinta oo intaa dhaafsiisan.

Waxaa horay xaafad kale oo Baqdaad ah loogu qabtay nin iyo xaaskii isku deyayey inay iibiyaan wiil yar oo ay dhaleen oo 7-jir ah kaasoo ay siin lahaayeen $7,000, oo doollar.

Dhowaantan, muuqaal kale ayaa lagu arkayey haweenay Ciraaqi ah oo webiga ku tuuraysa 2 carruur ah oo yicis ah oo ay dhashay, isla magaalada Baqdaad.

Hadalsame Media