Dayuuradda Emirates oo xannibaad kusoo rogtey duuliye diidey inuu tago Israel (Dalkee u dhashay?)

0

(Dubai) 07 Feb 2021 – Dayuuradda Imaaraatiga ah ee Emirates ayaa xannibaad ku soo rogtey duuliye Tuniisiyaan ah kaddib markii uu ka dhaartay inuu u duulo dalka Israel, sida uu isla duuliye Moneem Saheb Tabaa ku xaqiijiyey qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook, kaasoo uu kaddibna xirey.

“Ilaah unbaan talo saartay, kamana shallaayayo go’aankayga.” ayuu yiri duuliye Tabaa.

Dad badan oo warkan baraha bulshada ku qaadaa dhigay ayaa aad u cambaareeyey shirkaddan Dubai saldhigata ee Emirates iyagoo dhanka kale Tabaa ku amaanay geesinnimo iyo hal adayg.

Imaaraadka ayaa ka mid ah dhowr dal oo Carbeed oo dhowaantan mar qura ku wada yaacay inay xiriir la samaystaan Israel waxaana wehliya BahrainSudan iyo Morocco.

Tunisia oo uu duuliyuhu kasoo jeedo ayaa se iyadu ku adkaysatay inay wax xiriir ah la yeelan doonin dal haysta dhulka dal Muslim ah, iyagoo sheegay in isbedello ka dhaca meelo kale aysan iyaga saamayn doonin, iyadoo uu MW Kais Saied sheegay in ”Falastiin aysan ahayn qayb ka tirsan Israel.”

Hadalsame Media

Facebook Comments