Maraykanka oo ka hadlay shirka Dhuusamarreeb & hal arrin oo uu ka digey

0

(Muqdisho) 04 Feb 2021 – Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa war kasoo saartay shirka Dhuusamareeb haatan uga socda MW Somalia iyo maamullada dalka.

Shirkan ayaa lagu eegayaa sidii xal loogu heli lahaa ismaandhaafka ku aaddan sida loo qabanayo doorashada, goorta iwm.

Safaaradda Maraykanka ayaa soo jeedisey in doorashada lagu heshiiyo, laguma qabto xilligii loo asteeyey.

Waxay sidoo kale ka hor timid aragti kasta oo ku dhisan inay hal dhinac isku koobaan qaban qaabada doorashada ama ay la yimaadaan geeddi socod rogaal ah. 

Hadalsame Media