Dadka dibedda kusoo guursada oo loo fududeeynayo inay Sweden yimaadaan

0

(Stockholm) 04 Feb 2021 – Sharci ku meel gaar ahaa loo dhaqan geliyey 5 sanadood kahor ayaa dadka Swedish-ka ah ama dhalashada haysta ee dibedda jooga ku adkeeyey inay jaalkooda iyo qoyskooda kula soo noqdaan Sweden.

Xeerkan ayaa xitaa keena inay qoysasku kala noolaadaan wax ka badan muddo sanad ah sababo la xiriira in looga baahan yahay inay isku fillaadaan nolol ahaan iyo waqtiyada dheer ee ay qaadanaysey ka jawaabidda kiisaskooda.

Waaxda Socdaalka ayaaa haatan gacanta ku haysa hindise ku saabsan in la xooro qaybta dalabka isku fillaanta ama quudinta qoyska (försörjningskrav ) marka ay dadka Swedish-ku shisheeye soo guursadaan ama jaal la noqdaan.

Yeelkeede, urur ay leeyihiin dadka Swedish-ka ah ee qurba joogta ah oo la yiraahdo Svenskar i Världen ayaa ku doodaya in aanay intani ku fillayn oo loo baahan yahay in uu qofka Sweden la keeni karo oo uu jaalkiisa la noolaan karo oo deeto halkan ku dalbado iqaamadda ama rukhsadda deganaanshaha.

Wasiirka Cadaalladda iyo Arrimaha Socdaalka, Morgan Johansson, ayaa ballan qaaday in qaybaha dambe ee sanadkan ay hollin doonaan inay xalliyaan marka ay timaado in uu qofku rukhsadda deganaanshaha ee uppehållstillstånd uu dalbado isaga oo Sweden jooga wuxuu sheegay in taa la diyaarin doono.

Johansson ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu intii karaankiisa uu wax ka qaban doono in lasoo gaabiyo waqtiga geeddi socodka kiisaska oo haatan dheer.

Xeerkan KMG ah ayaa la dhaqan geliyey 2016-kii si loogu yareeyo qulqulka qaxootiga iyo magangelyo doonka, balse waxaa xeerkan sidoo kale ku jira dadka Swedish-ka ah ee dalka kula soo noqonaya qof jaal oo aan u dhalan dalalka Midowga Yurub, kuwaasoo lagaga baahnaa inay noloshooda dabaraan kiradana iska bixiyaan.

Hadalsame Media