Kooxaha Ingiriiska oo loo diidey inay galaan Jarmanka & Portugal halka loo ogol yahay kuwa Talyaaniga (Sabab?)

0

(Hadalsame) 05 Feb 2021 – Waloow ay Dowladda Jarmanku ay Liverpool uga dhaaratay inay cag soo dhigto ciidooda si ay ula ciyaarto RB Leipzig, kooxda SS Lazio ayaa loo ogol yahay inay u safarto koonfurta Jarmanka si ay ula ciyaarto Bayern Munich.

Dowladda Federaalka Jarmanka ayaa Liverpool u diiddey inay tagto dalkaasi oo iska xirey dadka ka imanaya UK oo uu ka jiro nooc ka mid ah fayruska is dhalan rogey ee Covid-19, iyadoo ay xayiraaddu jiri doonto ilaa Febraayo 17.

Waxay taasi ka dhigan tahay in kulanka Liverpool ee wareegga 16-aad ee Champions League ay la yeelan lahayd RB Leipzig ay tahay in lagu dheelo garoon 3-aad.

Sidoo kale kulanka Arsenal ee ay Europa League kula soo ciyaari lahayd Benfica ayay tahay in lagu soo koobo hal lug oo lagu dheelayo garoon dhexdhexaad ah kaddib markii ay Portugal iyaduna xannibtay safarrada uga imanaya Portugal.

Yeelkeede, arrintan ayaan saamayn doonin Lazio iyo kooxaha Talyaaniga, sababtuna waxay tahay in Talyaaniga aan xannibaad laga saarin Jarmanka iyo Portugal, maxaa wacay kama jiro fayruska is bedbedelaya ee ku dhuftay UK.

Hadalsame Media