DAAWO: Kalluun muuqaal cabsi badan leh oo aysan kaamiradu qaban karin oo lagu arkay gunta fog ee badda (Muuqaallo naadir ah oo uu leeyahay)

0

(Hadalsame) 04 Feb 2021 – Koox culimo ah oo yaqaanna bayoloji badeedka ayaa helay 16 gacalo oo aadanaha ku cusub oo ah kalluun awood u leh inuu ”mugdi” iska dhigo maadaama uu jirkiisu nuugayo 99% ilayska uga yimaada dibedda, taasoo ku dhowaad mustaxiil ka dhigaysa inay arkaan xayawaannada kale ee ku nool gunta hoose ee badda.

Cilmi baarayaasha, oo qoraalkan ku daabacay Current Biology, ee gacalooyinkan cusub soo helay ayaa shabaq u ridey meel 200 oo mitir oo u dhow gacanka California ee Monterey Bay.

Marka taa laga soo tago, wuxuu kalluunkani leeyahay iftiin jirkiisa ka daarmaya, waxaana ugu daran inuu qaybta hore ku leeyahay nal dhinac buluug ka ah dhanna casaan ka ah isagoo sidoo kale mar qura jirkiisa oo dhan nal ka shidi kara.

Karen Osborn, oo arrimahan wax ka qorta arrimaha bayoloji badeedka ayaa sheegtay inay yaabtay markii ay isku dayday inay sawir ka qaaddo balse waloow ay dhowr mar sawirtay ay waxba arki waydey.

Waxay sheegtay inay la yaabtay inuu marna wada nalal noqonayo marna mugdi iska wada dhigayo, weliba si aan caadi ahayn oo uu gebi ahaanba mirqayo.

Markii baaris qoto dheer lagu sameeyey jirka kalluunkan waxaa soo baxday inuu jirkiisu leeyahay lakab midab side ah oo al yiraahdo melanosomes, kaasoo ay ku jirto melanin, oo la mid ah midab sidaha jirka dadka iyo timaha, iyadoo uu melanosomes-ku uu yahay midka nuugaya nalka dibedda uga yimaada sida bikaaca ay bixinayso kaamirada ee ifinaya waxa ay sawirayso.

Yeelkeede, waxaa loo adeegsadey kaamiro 600 oo jeer ka xasaasisan kaamarooyinka caadiga ah oo awood u leh inay si faahfaahsan u sawirto xiddigaha fog.

Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media