Jamhuuriga oo Ilhaan Cumar u beegsanaya si ay uga dabaaqaan tillaabo ay qaadeen Dimoqraadigu

0

(Washington, DC) 04 Feb 2021 – Xildhibaannada Jamhuuriga ayaa qaab dabaaqid ah u doonaya inay Ilhaan Cumar ka cayriyaan guddi ay ka tirsan tahay, maadaama ay Dimoqraadigu sidaas oo kale la maaggan yihiin Marjorie Taylor Greene, oo ka tirsan Jamhuuriga, sida uu faafiyey Fox News.

Ilhaan Cumar ayaa loogu marmarsoonayaa inay sheegtay hadallo ”Yuhuud nacayb ah”, taasoo ku filan laga eruo Guddiyada ay ka mid tahay sida midka Miisaaniyadda iyo midka Xiriirka Caalamiga ah.

Jamhuuriga ayaa doonaya inay tillaabadan ku barbarreeyaan mid ay qaadeen Dimoqraadiga oo sheegay inay howlaha guddi ka eryayaan Greene oo ay sheen inay tahay qof dheg wayn ah oo iska qaadata wararka ka yimaada kooxaha faafiya aragti-dhagareedyada.

Waxyaabaha ay Ms Greene sheegtay waxaa ka mid ah inkiraadda toogashooyinka iskuullada ka dhaca iyo inay muujisay aragtiyo ay ku taageerayso gacan ka hadalka iyo qaaquullooyinka.

Hadalsame Media