KASHIFAAD: Dal Muslim ah oo agab sirdoon si qarsoodi ah uga soo iibsadey Israel oo la ogaadey

0

(Dhaka) 03 Feb 2021 – Baaritaan cusub oo ay samaysan Al Jazeera ayaa daboolka ka qaaday in Bangladesh ay si qarsoodi ah Israeli uga soo iibsatey qalabka wax lagu basaaso kaasoo lagu dhegeysan karo boqollaal telefoon gacmeed, tiiyoo aysan Dhaka aqoonsanayn nidaamka Tel Aviv.

Baarista AJ ayaa muujinaysa in Ciidanka Bangladesh ay agabkan soo iibsadeen 2018-kii iyadoo uu u kala dab qaadayo qof ku sugan Bangkok, waxaa sidoo kale la ogaadey in saraakiisha sirdoonka ee Bangladesh tababar loogu qaaday Hungary halkaasoo ay ku tababareen khubaro sirdoon oo Israeli ah.

Qandaraaska ay Al Jazeera heshay ayaa dhigaya in labada dhinac ay isula shaqaystaan si qarsoodi ah, iyadoo la sameeyey qoraal macmal ah oo sheegaya in agabku uu ka yimid  Hungary waloow uu diiwaanku muujinayo in lagu sameeyey Israel.

Heshiiska ayaa dhexmaray Waaxda Sirdoonka Millateriga ee DGFI, iyo shirkad Israeli ah oo la yiraahdo PicSix, taasoo ay hoggaamiyaan sirdoonkii hore ee Israel waxaana howsha gacanta markii dambe la galay shirkad Singapore ka diiwaan gashan oo la yiraahdo Sovereign Systems.

Bangladesh ayaa wax xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah aan la lahayn Israel, iyadoo ay sharciyan mamnuuc tahay inay la ganacsadaan ama la macaamilaan Tel Aviv.

Bangladesh, oo ah dalka 4-aad ee ugu dadka badan dunida Muslimka ayaan xitaa dadkiisa u ogolayn inay u safraan Israel, iyagoo sheegay inaysan aqoonsan doonin inta laga xallinayo arrinta iyaga iyo Falastiin.

Hadalsame Media