Ingiriiska oo sabab u noqday inay Turkigu bilaabaan dhismaha markab dagaal oo kuwa dayuuradaha xambaara ah

0

(London) 03 Feb 2021 – Ankara ayaa Dowladda Britain kala hadashay doonista markab gacan 2-aad ah oo kuwa dayuuradaha xambaara ah oo ay u bandhigeen in laga iibiyo sanadkii tegey, balse waa laga diidey, sida ku cad xogo la isku hallayn karo.

Sida uu qoray Middle East Eye (MEE) waxay Turkigu doonayeen inay iibsadaan markabka  Queen Elizabeth ee dayuuradaha qaada, balse Britain ayaa dalabkaa iska diiddey.

Yeelkeede, markii ay UK diiddey waxay soo bandhigtay yabooh ah inay Turkiga ka iibiyaan naqshadda isla markaana ay taageero farsamo siiyaan marka lagu dhisayo gudaha Turkiga, sida ay hal il sheegayso.

Ha yeeshee, il kale ayaa sheegtay in Turkigu ay yaboohaa diideen oo go’aansadeen inay iskood u dhistaan markab dayuuradaha xambaara, halkii ay soo iibsan lahaayeen isaga dhan ama naqshaddiisa.

Yeelkeede, Waaxda Ganacsiga Caalamiga ah ee UK ayaa diiddey inay warkan xaqiijiso iyo inay beeniso toona.

Turkey ayaa haatan wada dhismaha markab dayuuradaha xambaara (TCG Anadolu), kaasoo leh dargo ay dayuuraduhu ku degaan (LHD) isagoo sidoo kale leh dhabbe ay ku degaan dayuuradaha samayn kara duulista gaaban iyo degista iyo duulista joogga ah (STOVL) sida F-35, isagoo naqshaddiisa laga raacay markabka Spanish-ka ah ee LHD Juan Carlos.

Hadalsame Media