Beesha caalamka oo hal arrin farta ku fiiqday (Farriin gaaban)

0

(Dhuusamareeb) 03 Feb 2021 – Xafiiska QM ee Somalia ayaa war kasoo saaray shirka ka soconaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Xafiiska oo sidoo kale ku hadlaya codka dalalka beesha caalamka ee jaalka la ah Somalia ayaa DF Somalia iyo maamullada halkaa ku shiraya ku boorriyey in horay loo riixo doorashada la sugayo.

”Waa waqtigii ay hoggaamiyeyaasha Dhuusamareeb ay tanaasuli lahaayeen si loo hirgeliyo heshiiskii Sebt. 17 ee ku saabsanaa doorashada.” ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitter-ka.

Dad badan ayaa Madaxtooyada ku tuhmaya inaysan daacad ka ahayn inay doorashooyinku u dhacaan si caadi ah iyadoo ay jiraan caqabado badan oo jira, waloow ay maamullada qaar laftoodu door ku leeyihiin khilaafka.

Hadalsame Media