Nin deriskiisa muusig cod dheer ku dallacay oo la xukumay & magdhow la siinayo deriska

0

(Falkenberg) 03 Feb 2021 – Muusik ka shidnaa hooy ku yaalla degmada Falkenberg ee dalka Sweden oo cirka lagu dallacay ayaa sabab u noqday iney sarriirihii derisku booskii ey yiileen ka durkaan Iyadoo iminka nin 43 jir ah loogu ridey xukun dhibid iyo handadaad, kadib markii uu deriskiisa ugu hanjabey inuu daaqadaha ka jejebin doono haddey boliiska ku dacweeyaan, sida ay qortay SVT Nyheter Halland.

Ciidanka ammaanka iyo shirkadda waardiyeyaasha ayaa goobta tagay dhowr jeer intii u dhexeeysay juun 2019 ilaa jannaayo 2020.

Ninkan ayaa ku andacooday xilligaa in aanay xaaladdiisa caafimaad wanaagsanayn, isla markaana uu dhageeysiga muusikada ka dareemayay deggenaan.

Deriska dhibta loo geeystay ayaa loo xukumey 29 000 oo karoon oo magdhow ah.

Hadalsame Media