DAAWO: Gabar iyada oo aan ogayn duubtay afgembigii ka dhacay dalka Myanmar

0

(Naypyidaw) 02 Feb 2021 – Gabar ciyaarta raqaska ama qoob ka cayaarka ayaa iyadoo aan ka war haynin waxay duubtay afgembigii ka dhacay Baarlamanka Myanmar taasoo haatan dunida ka noqotay sheeko si wayn loo hadal hayo.

Gabadhan ayaa la arkayaa iyadoo ciyaaraysa jeer ay la wareegayaan gawaarida ciidanka dalkaasi oo u socda Baarlamanka dalkaasi oo ku yaalla caasimadda cusub ee Naypyidaw.

Gabadhan ayaa la sheegayaa in lagu magacaabo Khing Hnin Wai waxaana mar qura soo bilaabanaya kolonyada ciidanka oo sii cayilaysa marba marka ka dambaysa xilli ay iyadu muusigga ku maqan tahay, iyadoo aan warba u haynin daraamaha caalamiga noqday ee gadaasheeda ka soconaya.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media