BREXIT: ”Haddii aad SHINNIDAA soo geliso UK waa kaa gubaynaa!” – Maxaa ka raacay nin Ingiriis ah oo shinni kasoo iibsadey Talyaaniga?!!

0

(London) 02 Feb 2021 – Nin shinni wale ah oo British ah ayaa isku dayey inuu dalkiisa kusoo celiyo 15 milyan oo shinni ah balse waxaa loo sheegay in lagala wareegi doono kaddib dab lagu qaban doono xeerka Brexit dartiis.

Patrick Murfet, oo Maareeye ka ah Bee Equipment, ayaa doonayey inuu shinni maqal ah uu kasoo qaato Talyaaniga si uu u geeyo beero shinni ah oo uu ku leeyahay Kent si ay qayb uga qaadato faxalka beero halkaa ku yaalla, marka ay malabka diyaarinayso.

Yeelkeede, maadaama ay UK ka baxday suuqa xorta ah iyo kastamada Midowga Yurub 1-dii Jannaayo, waxaa mamnuuc ah howlaha noocaas ah.

Waxaa taa biddaalkeeda haatan UK lasoo gelin karaa boqoradda shinnida oo qura, balse waxaa jira hal dood oo ka taagan in noocyada kale ee shiinida ah UK laga soo gelin karo dhanka Northern Ireland.

“Waxaan ahay nin aad u jecel howlaha shinnida oo aan ka shaqaynayey 20 sanadood ku dhowaad,” ayuuu ku cataabay Mr Murfet oo la hadlay Press Association.

“Waa tillaabo nacasnimo qaan gaar ah oo uu ku dhaqaaqay dal ay ahayd inuu cagihiisa isku taago oo uu dunida wax u dhoofiyo.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media