DARAASAD: Akhri sida uu caalamku u qorsheeyey qaran-jabka Somalia (Qoondo caalami ah)

0

(Hadalsame) 02 Feb 2021 – Waxaan xoogaa yar ka akhriyay buugga (A study of Decentralised Political Structures for Somalia) daraasad ku saabsan qaab dhismeedka siyaasadeed ee baahsan ee Soomaaliya ee aan lahayn dowlad dhexe ee looga taliyo) oo loo xil saaray qoraalkiisa 8 Barafasoor oo uu ugu horreeyo caalimkii hore ee Ingiriiska ee Professor Ioan M.

Lewis oo ku takhasusay Culuumta Bani’aadamka iyo Brendan O’Leary oo ah Nin ku takhasusay culuumta Siyaasadda oo u dhashay Ireland, haatanna culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Pennsylvania ee Mareykanka, horeyna wax uga dhigi jiray machadka dhaqaalaha ee London.

Warbixinta dheer ee buuggan waxaa diyaariyay la taliyeyaal ka socda London School of Economics iyo Cilmiga Siyaasadda, waxaana maal geliyay Midowga Yurub xaruntiisa Soomaaliya oo kaashanaya hay’adda horumarinta Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana buuggan la soo saaray 1995-kii.

Waxa buuggan ku qoran waa dhammaan wax dhacay 25 sano kaddib, waana xaalka ay maanta ku sugan tahay, waxa ku qoran midba midka kale wuu ka xun yahay, waa jid la falay oo dhaqaale, caqli iyo waqtiba la geliyay, laakiin xukunka ALLE ayaa ka weyn dhagartooda.

Buugga waxaa ku qoran in magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya uu noqdo wax la oran jiray waddan jiri jiray, in loo qaybiyo maamul goboleedyo mid waliba leeyahay matalaaddiisa iyo qunsuliyadihiisa ay ka howl galaan ajaanibtu iyo weliba dhul xad leh oo maamul walba u gaar ah, kaasoo ka madax bannaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

In Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uusan marnaba kobcin oo taa beddelkeeda maamul walba iyo qowmiyad walba ay yeelato Bankiyo u gaar ah oo ay maamulaan hay’ado NGO gaar loo leeyahay sida kuwa Bangladesh, Bolivia iyo South Africa.

In Soomaaliya aysan yeelan lacag Shillin Soomaali warqad ah oo ay wax isaga iibsadaan Dollar iyo Riyal Sucuudi, haddii lacag la sameynayana in laga arrinsado inay noqoto lacag maamul goboleedyadu leeyihiin ama lacag dowladda dhexe.

In maamul goboleedyadu ay sameystaan sharciyo iyo dastuurro fara badan oo iska hor imaanaya oo Sharciga Islaamkuna uu ku jiro, kuwaas oo mar walba aan is qaadanayn oo abuuraya jahwareer dhanka dhaqan gelinta ah….

In wakiillada ajaanibtu ay qayb ka noqdaan arrimaha Soomaaliya oo ay safaarado ka sameystaan maamul goboleedyada, sida Imaaraatka Carabta, ujeeddada laga leeyahay wakiilladaasi dibadeed ayaa ah in ay qaataan shaqaale, mushaarkana ay iyagu bixiyaan…

Dowladihii Soomaaliya soo maray buuggani Soomaali ma ku daabeceen ee Aqoonyahanno ma loo saaray? Illeen waxa ku qoran waa aqoonyahanno Yurubiyaan ah waxay waqti iyo kharash ku bixiyeene?

Dabcan ma oranayno buuggaas waxa ku qoran ayuu Mustaqbalka Soomaaliya ku xiran yahay, mana loo baahna inaan is dhiibno oo aan oranno masiirkeenna rag baa go’aamiyay, laakiin waa inaan halgannaa oo aan ogaannaa in nalaga adeegtay oo ay rubuc qarni ka hor rag noo tashadeen, dhabbeheenniina sii jeexeen.

Intaas waa inta yar ee aan ka eegay buuggan mucjisada ah.

Qofkii danaynaya inuu akhristo buuggan ama daabacdo isagoo PDF ah waa kan Linkigiisu.

Waxaa Diyaariyey: Yaxye Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media