Waxay isku dhaarsadeen inay nolosha isla dhamaysanayaan balse sanad kaddib waa kala dhaqaajiyeen

0

(Hadalsame) 01 Feb 2021 – Wuu ogaa in ay baxayso. In ay ka tagayso wuu ogaa. Intii ay alaabteeda guranaysay oo dhan isagu kursiga dheer ee fadhiga ayuu ku jiifay oo telefeeshinka oo cod gaaban ku baxaya daawanayay; maya, ma daawanayn ee indhaha ayuun buu ku hayay. Isaga oo aan eegin ilqoodha wax uu daaqadda ka arkaa baraf dhacaya.

Ilaa xalay baraf baa dhacayay oo dhulka iyo wax walba daboolay. Alaab badaniba guriga u ma oollin ee maryaheedii yaraa iyo indhakuulihii iyo dhaashiyadii bay shandad garabka la sudho ku guranaysaa. Intaas oo dhan ma ay wada hadlayn.

Xalay markii ay seexanayeen baa u gu dambaysay in ay wada hadlaan, saakana ma ay wada quraacan. Isagu weli maba quraacan oo niyad u ma hayo. Xitaa shaah ma cabbin. Imika wuu la hadli karaa laakiin ma doonayo. Wuu og yahay in aanu tagista ka baajin karayn, hadal kale oo macno lehna u ma hayo. Wuu og yahay daqiiqad ka dib in ay tagtay oo maqan tahay oo ayna la joogin. Yaab iyo fajiciso iyo qaadanwaa iyo riyo ayay la tahay arrinta oo dhami.

Sagaal bilood bay is qabeen oo aanay maalin qudha ka la maqnaan, oo ay isu sheegi jireen in la isu abuuray oo ay abidkooda wada noolaanayaan ama wada dhimanayaan. Laakiin imika in aanu dib u arki doonin buu ka fekerayaa. La ga yaabee dib dambe abidkeed in uuna muuqeeda arkin. Waa arrin yaab iyo fajiciso leh.

Dareenku inta uu ka tan batay buu xaalad jahawareer ah ku sugan yahay. Haa, jahawareerku marna wuu ku wajiqiyaa oo kaa qaylisiiyaa, marna wuu ku aamusiiyaa, aamuska ayaana daran. Waa nooc xanuun ah oo miyirbeel ah oo dhimashada la cayn ah. Waa sidaa uu imika u aamusan yahay ee uuna u dhaqdhaqaaqayn ee sida maydka kursiga daadsan yahay ee telefeeshin uuna daawanayn oo xitaa waxa ka socda ogayn indhaha ku hayo.

In uu la hadlo oo maslaxo oo in ay la joogto ka baryo ayuu dareemayaa, haddana nafsiyad ama awood u ma hayo. In uu kaco oo ku boodo oo isku duubo oo ku ooyo oo baryo ayuu ka fekerayaa, laakiin awood u ma hayo. Nafiba ku ma jirto oo sida maydka ayuu kursiga iska dul yaallaa. Waa taa dharkii wada gashatay, ee kii dhaxantana ka sii dul gashatay. Xitaa koofiyad, qoorduub iyo gacmagashi.

Waa taa shandaddii siibka u xidhatay ee garabka sudhatay. Waa taa dhankii kadinka u dhaqaaqday ee kabihii halkaa yaallay illatay. Sharqanteeda ayuu maqlayaa cadarkeedana urinayaa ee dhankeeda dayi maayo. Waa taa albaabkii furtay ee debedda u baxday ee irriddii soo celisay.

Qab! Khalaas! Tallaabadeeda jaranjarada ka sii dagaysa ayuu sii maqlayaa. Cidhbaha kabaheeda ee sallaanka ku dhacaya wax aad mooddaa nabarro isaga wadnaha la ga la dhacayo. Qac! Qac! Qac! Qac! Wuu kurbanayaa, dhiiggiisu wuu karayaa, neeftu waa ay ku dheggan tahay, wadnuhuna aad buu u garaacayaa.

Wadnihiisa jugta ka baxaysa wax aad mooddaa durbaankii saarka oo si daran loo tumayo. Imika tallaabadeedii maqalkiisa waa ay go’day. Kolley jaranjaradii bay ka dagtay. Telefeeshinka ayuu codka ka xidhay oo labadiisa dhagood awoodda maqalkooda oo dhan soo xaadiriyay bal in uu maqlo dhawaaqa albaabka debedda kolka ay ka baxdo ee soo celiso.

Mise tolow waa ay is canaanan oo soo noqon? Ma la ga yaabaa in ay jaranjarada fadhiisato oo ooydo oo u baahan tahay in aad ka dabo tagto oo soo maslaxdo sida dumar badani sameeyaan? Wax walba wuu rajaynayaa, xitaa mustaxiilka. Ayaandarrada u gu weyni waa haddii uu maqlo jugta alaabka kolka ay ka baxdo. Markaa rajo dhimatay wax walibana waa mustaxiil.

Aad buu u dhagaysanayaa. JUG! buu maqlay. Waa albaabkii oo ay soo xidhay. Aad buu u naxay, mayee wuu argagaxay. Dhabta iyo dhalanteedka ayaa iska ga darsamay oo qisada oo dhami in ay ismoodsiis tahay buu rajeeyay. Hareerihiisa ayuu eegay, waa cidla.

Qolkii hurdada oo ballaqan buu jalleecay, waana cidla oo sariirtii oo madhan oo aan la goglin baa ka muuqata. Ogaan la’aan buu isu taagay oo dhanka daaqadda dhalada ah u dhaqaaqay. Wuu og yahay in ay daaqadda soo hoos marayso oo halkaa muuqata baska ka raaci doonto.

Dhan kale mari mayso. Waa tan hoostiisa maraysa imika iyada oo shandaddii garabka ku sidata. Dusha baraf khafiif ah baa ka ga qubanaya, dhulkana baraf aad u cad oo macaan oo aan dabayl lahayn baa buuxa. In ay is taagto oo dib soo eegto iyo in uu isagu daaqadda furo oo u yeedho labadaba wuu rajeeyay, laakiin midna ma dhicin.

Waa taa si deggan isaga sii socota. Socod ma aha ee isaga wax ay u la mid tahay jidhkiisii oo qaybi sii jiidmayso oo ka sii go’ayso. Cagaheedu barafka ayay quusayaan oo ka ga tagayaan raad godad ah. Wax uu dareemayaa in ay yihiin godad sambabbadiisa la ga qodayo.

Isaga oo daaqadda taagan oo aan ka libiqsanayn waa taa sii fogaanaysa ee sii fogaanaysa iyada oo aan mar qudha horteeda mooyee dhinac kale dayin. Waa taa gaadhay ee joogsatay goobtii hakadka baska. Bal in ay mar qudha dib soo jalleecdo ayuu sugayaa, laakiin maya. Waa kaa baskii horteeda is taagay ee albaabka u furay ee sida xabaasha u liqay.

Dalaq! Waa kaa baskii dhaqaaqay ee markiiba dhir badan ku dhex libdhay, sidii dhagarqabe naf gooyay oo nacab ah. Khalaas. Raadkeeda barafka ka sii qodan oo keliya ayaa ka hadhay qoftii dhammayd ee ay isku ogaayeen in ay abidkood wada noolaadaan oo wada dhintaan.

Qalinkii: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media