COVID-19: Dagaal aadan ogayn oo ka socda daaha gadaashiisa (Uma micna yara sida ay u muuqato)

0

(Hadalsame) 01 Feb 2021 – Tallaalka COVID-19 wax uu noqday tartan ka dhexeeya quwadaha dunida. Sida wax wal oo kale ku horraynta, soosaarista iyo suuq-geynta tallaalkani waa dhoollatus awoodeed, aqooneed iyo farsamo oo la gu kasbanayo sumcadda, haybadda iyo lacagta dunida.

Ruushka iyo Shiinaha oo aad u ga feejigan in reer Galbeedku ka dheereeyo oo hoggaanka u qabto ayaa u gu horreeyay cid sheegata helista tallaalka sannadkii tagay. Sidaa darteed quwadaha loollamaya mid waliba wax ay shaki galisay tallaalka qolada kale, keeda ayayna dadkeeda iyo dadyawga saaxiibka la ah siisay. Reer Galbeedka qudhoodu dhexdooda tallaalkan waa ay siyaasadeeyeen.

Tusaale ahaan shirkadda Astra Zeneca oo ay wada lee yihiin Ingiriis iyo Iswiidhan qaybteeda Oxford wax ay soo saartay mid ka mid ah tallaalka tartamaya, laakiin Midowga Yurub waa la ga xayiray iyada oo loo sababeeyay in aan la hubin waxtarkeeda.

Wax ay u badan tahay ganaax Ingiriiska la gu edbinayo illayn waa kii Midowga ka kibraye. Dhawrka tallaal ee tartamaya iyo xogta adeegsiga iyo heerka waxtarkoodu waa tan. U fiirso in labada u gu soo horreeyaa u baahan yihiin in la gu hayo qabow aad u hooseeya, halka kuwa kale la gu hayn karo qaboojiye caadi ah:

Pfizer BioNTech: Jarmal-Maraykan. Waxtarka 95%. Heer kulka la gu hayo 70 darajo oo eber ka hooseeya. Laba jeer oo ka la durugsan baa la qaataa. Moderna: Maraykan. Waxtarka 95%. Heer kulka la gu hayo 20 darajo oo eber ka hooseeya. Laba jeer baa la qaataa. Sputnik V: Ruush, waxtarka 92%. Waxaa la gu hayaa heer kul u dhexeeya 2 ilaa 8. Waxaa la qaataa laba jeer.

Oxford AstraZeneca: Ingiriis-Iswiidhan. Waxtarka 62 ilaa 90%. Heer kulka la gu hayo 2 ilaa 8. Waxaa la qaataa laba jeer. Sinopharm: Shiine. Waxtar 79%. Heer kulka la gu hayo 2 ilaa 8. Waxaa la qaataa laba jeer. Johnson & Johnson: Maraykan- Beljam. Waxtarka 72%. Heer kulka la gu hayo 2 ilaa 8. Waxaa la qaataa mar qudha. Novavax: Maraykan. Waxtarka 90%.

Heer kulka 2 ilaa 8. Waxaa la qaataa laba jeer Bharat Biotech Covaxin: Hindiya. Waxtarka ? Heer kulka 2 ilaa 8. Laba jeer baa la qaataa.

Xigasho: jadwalka shirkadaha waxaan ka soo xigtay warbaahinta dunida

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media