”Dulliyohow, da’da aad wax ku dhaceyso fiiri!” – Sheeko aadan weli maqal oo ku saabsan Jen. Galaal & 91-kii

0

(Hadalsame) 01 Feb 2021 – Waxaan kugu xasuusan doonaa! Waqti adag oo uu Muqdisho ka holcayo dagaal u dhaxeeya Ciidankii dowladda iyo jabhaddii USC, maalmihii ugu horreeyey sanadka 1991-ka ayaan markii iigu horreysay fool ka fool u arkay.

Nin gaaban oo cad oo filsami u dhashay, macawis xiran, cimaamadna qoorta ugu duubantahay, indhagashi cad cadna gashan ayaa horteenna kasoo baxay, waxyar ka dib markii aan qeylo dhaan u dirsannay, si guri dariskeenna ah oo reerkii lahaa ka qaxeen, annagana ay furayaashiisii nooga tageen, uu uga bad baadiyo mooryaan hubeysan oo inay boobto rabta.

Waxaa Jeneraal Maxamed Nuur (Galaal) la socda askari xaafadda laga yaqiin oo timojilic la oran jiray, qorina sita iyo nin sacbooley ah. Waxay wajahayaan mooryaan tirada hubeysani ay shan nin tahay oo gaari Xaajiyo Khamsiin ah ku socda.

Ragga hubeysan waxaa la socda nin guriga la boobi rabo yaqaan oo Booliskii kala tagay ee saldhigga Yaaqshiid ka mid ah. Ninku reerka ayuu iska shaxaadi jiray maadaama ay ahaayeen Qoys ladan oo dowladda xilal ka hayey. Wuxuu guriga ku ogyahay Kaasafoorto/ Qasnadda lacagta oo dabaqa sare qol ka mid ah ku jirta.

Mooryaantii oo qaar Qasnaddi deyrka guriga soo dhigeen ayaa Jeneraal Galaal nasoo gaaray. Labada irdood ee guriga oo mid Baaburtu ku xarooto midna dadku guriga ka galaan, waxaa dhufeys uga jira laba nin oo midi yahay odey waayeel ah. Jananku, Rabbi ha u naxariistee, wuxuu toos u abbaaray odeygi hubeysnaa oo intuu gadaal laba tallaabo u qaaday qoriga ku taagay Jeneraal Galaal oo aan cabsi yar xataa qabin. ” iga joog…iga joog” isaga oo ku haya ayuu inta xabadka gacanta ka galshay kala tuuray isaga oo leh: “dulliyohow, da’da aad wax ku dhaceyso fiiri”.

Intaas kaddib, waa la wada hadlay waxayse ooryaantii ku adkeysteen inay Qasnadda qaadanayaan, laakiin askarigii Galaal la socday ayaa intuu dhufeys galay ku dhaartay inaysan qaadi doonin inta uu isagu noolyahay.

Sidaas ayuu Gurigii islaameed kaga badbaaday in la bililiqeysto 20 sano oo reerkii lahaa oo Canada ku noolaa aan u haynay. Burburkii madaafiic ku dhacday gaarsiisay maahee hal shayna lagama qaadan.

Waxaan Rabbiga weyn ka baryayaa inuu xoolahaas muslim ee Soomaaliyeed oo uu burcad ka bad baadiyey darteed ugu dambi dhaafo.

Geesi ayaa Soomaali shalay ka laqmadaye, Allow u naxariiso isaga iyo intii xaqdarrada lagu dilay.Waxaa Qoray: Goobjooge Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero)

Hadalsame Media