Turkiga oo War Saxaafadeed kasoo saaray weerarka lagu qaaday Hotel Afrik

0

(Ankara) 31 Jan 2021 – War kasoo baxay WAD oo lasoo mariyey Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik oo ah goob rayid ah, kaasoo ay gaysatey kooxda Shabaab.

Weerarkan oo ay ku dhinteen dad fara badan oo uu ka mid yahay nin la dhashay siyaasiga Cabdi Nuurre Siyaad ayay Turkigu sheegeen inay ka xun yihiin.

”Waannu cambaaraynaynaa weerarkan arxan la’aanta ah waana tacsi u diraynaa dadka aannu walaalaha nahay iyo dowladda Somalia, anagoo Ilaahay naxariis u waydiinayna dadkii ku dhintay kuwii ku dhaawacmayna caafimaad u rajaynayna.” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka WAD Turkiga.

Turkiga ayaa kaalin wayn ka qaata tababarka ciidanka Somalia oo ah kuwa gurmadka 1-aad u sameeya weerarrada lagu qaado goobaha rayidka ah oo ah arrin ku mamnuuc ah diinta Islaamka ah iyo xeerarka dunida.

Turkiga ayaa ballan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Somalia.

Hadalsame Media