DHEGEYSO: Kahor inta aadan Sweden usoo safrin shuruuddan cusub iska eeg

0

(Stockholm) 01 Feb 2021 – Hay’adda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha Sweden ayaa keentay hindise ku saabsan in lasoo rogo xadidaado iyo dalabyo cusub oo ku saabsan in dadka usoo safraya Sweden ay haystaan caddayn muujinaysa inaysan qabin cudurka Covid-19 haddii kale aan loo fasixi doonin gudaha Sweden.

Dowladda Sweden ayaa iyadoo hindisahaa ka duulaysa waxay haatan bilaabaysaa tillaabo ay heegan ku gelinayso Booliiska Xuduudaha, Ciidanka Ilaada Xeebaha iyo Waaxda Socdaalka, si loo baaro dadka dalka soo gelaya.

Sweden ayaa tillaabadan u qaadaysa si ay uga hortagto noocyada cusub ee cudurka Covid-19 oo ah mid hidde-sid ahaan is dhalan rogey, kaasoo si dhaqse badan haatan ugu fidaya caalamka. Hay’adda FHM ayaana shalay duhurkii dalbatay in dadka shisheeyaha ah ee Sweden imanaya ay soo qaataan warqad muujinaysa inaysan cudurka qabin, taasoo aan cimrigeedu ka badnayn 48 saacadood.

Hay’adda ayaa sheegtay inaan Sweden laga celin doonin dadka haysta dhalashadeeda, balse iyaga iyo kuwa shisheeyaha ah ee xitaa haysta shahaado cadaynaysa inaysan cudurka qabin ayaa waxaa looga fadhiyaa inay is geliyaan karaantiil 7 maalmood ah, iyagoo cudurka iska baaraya maalinta 5-aad.

Hadalsame Media