DHEGEYSO: Shaqaale caafimaadka ka shaqeeya oo diidey in laga tallaalo cudurka Covid-19 & warar kale

0

(Stockholm) Feb Jan 2021 – Ku dhowaad kala bar ka mid 58 shaqaale oo ah kuwa saacadda ku shaqeeya (timvikarier) oo ka howlgala xarun xannaano oo ku taalla deg. Olofström ayaa diidey in laga tallaalo cudurka covid-19. Dadkan ayay qaar ku doodayaan inuu cudurku horay ugu dhacay, balse lid-jireedka cudurkani wuxuu qofka u shaqayn karaa 6 bilood oo qura.

Johanna Spånèr waxay degmada ugu qaybsan tahay shaqaale qorista.

“Waa inaan iraahdaa arrintan aad baan ula yaabay, balse Sweden oo idil waxaa diiradda la saarayaa tallaalka balse la isma waydiin waxa laga yeelayo haddii uu qof diido.’’ ayay tiri.

………………………………………………………………

Korontada ay Sweden jiilaalkan isticmaashay ayaa xilligan qaboobaha ah noqotay mid rikoodh jebis ah iyadoo gaartey 25 kun oo Megawatt, sida ay Ekot u sheegtay  ka shaqeeysa umuuraa tamarta ee Svenska Kraftnät oo weliba saadinaysa inuu isticmaalku sii kordhi doono maadaama guryuhu kululayn u baahan doonaan oo qaboow badan la filayo.

Wershadda korontada Karlshamn oo ah nooca shidaalka ku shaqeeya ayaa ilaa xalay 3-dii waxay gashay heegan ay 2 saac ku diyaar garoobi karto si looga hortago inay korontadu ku yaraato Sweden.

………………………………………………………………

Waxaa sanadkii tegey Sweden toogasho ugu dhintay 47 qofood 366 jeer oo la isku tacshiiradeeyey meelo kala duwan oo dalka ka tirsan.

Yeelkeede, WAG Sweden, Mikael Damberg, ayaa waloow uu sanadkii tegey ee 2020 ku tilmaamay “mid madow”, wuxuu rumaysan yahay inay xaaladdu soo hagaagi doonto sanadka weli curdanka ah ee 2021.

“Waxa muhimka ihi waxay yihiin in sanadkan 2021, ay jiraan duruufo wanaagsan oo keeni kara in dib loo riixo dembiyada kooxaha gaangiska.” ayuu yiri Wasiirku.

Hadalsame Media