XOG: DF Somalia oo bilowday qorshe ay ku ”iibsanayso” aamuska waalidka wiilashii ku dhintay dagaalka Tigraay & Qadar oo hal arrin ka caraysan

0

(Dooxa) 30 Jan 2021 – Kaddib markii ay shaacday xog sheegaysa in dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed dalka looga kexeeyey inay shaqooyin dhanka amaanka ah ka qabanayaan Qadar balse kaddib loo dhigay dhanka Eritrea si loogu diro dagaalka Itoobiya, waxaa haatan in arrintaa la baaro dalbatay Qadar.

Wiil Soomaali ah oo qoyskiisa u jirey Qadar sida reerkiisa loo sheegay ayaa la sheegayaa in isaga oo mayd ah laga helay woqooyiga Itoobiya, sida ay qorayso Reuters.

Wiilka aabbihii, Cali Jaamac Dhoodi, ayaa waxaa sawirka maydka wiilkiisa ula tegey saraakiil ka socota hay’adda NISA, kuwaasoo markii uu gartay u sheegay in wiilkiisu uu Eritrea jirey balse aanu marna Qadar joogin, sida ay filaayeen, oo uu dhintay.

Saraakiisha ayaa la sheegay inay Dhoodi siiyeen $10,000 oo doollar iyagoo u sheegay inuusan su’aalo dambe ula imaanin.

Wiilka Dhoodi ayaa ka mid ahaa dhallinyaro ay DF Somalia dibedda ugu dirtay inay Qadar ka shaqaynayaan, balse markii dambe loo diray xero ciidan oo ku taalla Eritrea iyagoo lagu khasbay inay halkaa ku tababartaan, sida ay xogtu sheegayso.

Qadar oo arrintan ku tilmaantay ”tahriibin iyo meel ka dhac” ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo, iyadoo dowladaha caalamka uga digtey inay noocan u dhaqmaan oo Qadar magaceeda loo adeegsado fulinta howlo aan toos ahayn.

Arrintan ayaa mas’uuliyad darro aad u wayn ku noqonaysa madaxda DF Somalia, waayo waa mare waxaa wiilasha la iskaga dhigay rasaasta dagaal aan koodii ahayn, marka 2-aad waxaa nafta ay hurayaan u baahan Somalia oo ay ku sugan yihiin ciidan shisheeye oo 30,000 ka badan marka la isu wada geeyo.

Hadalsame Media