DHACDO UGUB AH: Dal Muslim ah oo kiis dembi ah ku xalliyey ”ogaanshaha” hir-baacyada maskaxda qofkii dilka lagu tuhmayey!!

0

(Dubai) 30 Jan 2021 – Booliiska Dubai ayaa markii ugu horreeysey taariikhda waxay kiis dil ah ku xalliyeen farsamo casri ah oo loo yaqaan “faraha maskaxda”.

Saraakiisha dembi baarayaasha ah ayaa adeegsadey agab casri ah oo lagu cabbiro mowjadaha maskaxda oo diraya hir-baacyo gaar ah marka eedaysanaha la tuso muuqaallada qalabkii uu wax ku diley, goobtii shilka iyo muuqaallada dembiyadii dhacay.

Gaashaanle Muhammad Issa Al Hammadi ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay hooso ay dad badani ka shaqeeyaan, wuxuuna intaa raaciyey in markii qalabkii dilka loo adeegsadey shaqaalihii la tusay ay maskaxda hal nin dirtay moowjado xooggan.

Hammadi ayaa sheegay in sawirrada ay la tuhunsanayaasha tusayeen ay ahaayeen kuwo si taxaddar leh loo xulay oo si toos ah ula xiriira dembiga, iyadoo uu haatan ninkii maskaxdiisa ”la baartay” uu qirtay dembiga iyo sida uu u qorsheeyey.

Tiknolojiyaddan ”faraha maskaxda” ee ay adeegsatey Waaxda Culuunta Dembiyada Dubai (Department of Criminology) ayaa noqonaysa markii ugu horreeysey ee lagu xalliyo kiis dembi ah, iyadoo fure u noqonaysa inay booliisku hadda kaddib adeegsadaan, si loo dedejiyo geeddi socodyada dembi baarista.

Hadalsame Media