XOG SIRDOON: Laba dal oo Bariga Afrika ku yaalla oo cududdooda isugu geeyey si aanu usoo laaban MW Farmaajo

0

(Hadalsame) 30 Jan 2021 – Sirdoonka Reer Galbeedka oo Daaha ka qaaday in Ismacil cumar geele Iyo Uhuru kenyatta ay heshiis ku Gaareen in Madaxwayne Farmaajo aan dib loo dooran, sida lagu qoray African intelligence.

Shirkii dowlad goboleedka IGAD ee 20 december 2020 ka dhacay dalka jabuuti ee loogu kala dabqaadayay Soomalia iyo kenya ayaa noqday mid keenay kala qaybsanan wayn u dhaxaysa dowlada ka tirsan IGAD

Intii uu shirku socday ayaa waxa si gaar ah u kulmay Madaxwaynayaasha Kenya Uhurru Kenyatta iyo Ismail Cumar Geelle, ayagoo heshiis ku gaaray inay ka wada shaqeeyaan sidii ay Madaxwayne farmaajo ay uga kor istaagi lahaayeen in markale dib loo doorto

Uhurru iyo Geele waxay ku heshiiyeen inay Muuse Biixi u isticmaalaan hub ay kula dagaalaan Farmaajo; balse aysan Soomaliland u aqoonsan dowlad madax bannaan sida ay warbixintu sheegayso.

31 December 2020 ayay dowlada Jabuuti dalkeeda kuso dhawaysay Muuse Biixi Cabdi oo roog cas loo dhigay si ay uga dhaadhiciyo dagaalka lagu qaadayo Madaxwayne Farmaajo; Waxaa Muuse ogolaanshihiisii lagu abaal mariyay in dib loo furo xaduuddii jabuuti iyo Soomaliland oo waliba loo furay sidii qaab laba dowladood oo kale.

Furitaanka xaduudda ayaa waxa goobjoog ka ahaa Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Arimaha Dibedda Soomaliland Yaasiiin Xaaji Maxamuud halka dhanka Jabuuti uu joogay Wasiirkooda Beeraha Mohamed Ahmed Awale iyo madaxa Booliska Jabuuti Abdullahi Abdi Farah; Wasiirka Beeraha Jabuuti oo meesha ka khudbeeyay ayaa isticmaalay ereyga “labada dowladood” asagoo ula jeeda Jabuuti iyo Soomaliland.

Waxaa Diyaariyey: Xuseen Jaamac

Hadalsame Media

Facebook Comments