MACLUUMAAD MUHIM AH: ”Xitaa marka lagu tallaalo wuu kugu dhici karaa cudurka Covid-19” – Dhegeyso

0

(Stockholm) 29 Jan 2021 – 216, 269 ayaa helay ugu yaraan hal kuuro oo ah tallaalka Covid-19, halka qiyaastii 15,000 ay xitaa qaateen kuurada 2-aad ee isla tallaalkan, taasoo ugu yaraan farsamo ahaan ka dhigan inay ka gaashaaman yihiin cudurka karoonaha.

Haddaba su’aashu waxay tahay noloshu markiiba maka xornimo iyo amaan badnaanaysaa sidii hore oo qofku inta markiiba ordo dhexda kama geli karaa dadkiisa oo hab ma siin karaa. Dad badan ayaa arrintaa shaki uga gadaaman yahay iyadoo aanay hay’adda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynuhuna weli waxba ka dhihin sida ay dadku u dhaqmayaan marka la tallaalo kaddib.

Mike Straneus oo cudurrada raaga oo uu qabo dartood loo siiyey kuuradii 1-aad ee tallaalka haatanna sugaya tii 2-aad muddo 10 maalmood gudohood ah ayaa ka jawaabaya inuu dhaqankiisii bedeley markii la tallaalay iyo inkale?

’’May, waa fududahay inuu qofku rabi karo inuu dhex ordo jidadka Göteborg, balse waxaa jira welwel xitaa haddii lagu tallaalo, waayo dadku ma wada tallaalna, marka waxaan weli qaataa maasgarahayga, marka aan kuurada 2-aad qaato waa dhici kartaa inaan yara dhaqdhaqaaqo.’’ Ayuu yiri.

Prof. Matti Sällberg, oo ah caalim falanqeeya maadada biomedicine iyo cilmi baare dhanka fayruska ah kana tirsan Mac’hadka Karolinska Institutet ayaa la hor dhigay hubaal la’aanta ka muuqata hadalka Straneus.

’’Wuxuu u muuqdaa nin caqli badan, waayo marka aad hal kuuro qaadato waxaad cudurka ka gaashaaman tahay 50%, marka aad kuurada 2-aad qaadatana waxaad gaaraysaa 95%, marka waa in la is jiraa inta ay kasoo baxayaan talooyinka iyo hab-raacyada FHM.’’ Ayuu yiri.

Hadalsame Media