CILMIGAYGA UUN QAATA: Nin madax ah oo dadka faray inay af-saab xirtaan oo la arkay isagoo wareegaya af-saab la’aan (Dhegeyso)

0

(Upsala) 29 Jan 2021 – Agaasimaha guud ee hayadda caafimaadka bulshada Johan Carlson ayaa la arkay isaga oo saaran bas xilliga shaqada laga soo baxo isaga oo aanan xirneyn af-xir sida ay dawladda iyo hayadda uu madaxda ka yahayba ku booriyaan bulshada si looga hortego faafidda karoonaha, taasoo ka dhigan in agaasimuhu aanu ku dhaqmin talooyinkii uu bulshada ku waanin jiray.

Mar haddaba su’aal laga weeydiiyay inuu khilaafay talo uu ku bixiyay inaan gaadiidka dadwaynaha la raacin iyada oo aan la wadan af gelis inta u dhexeeysa 4-6-da makhribnimo, ayuu ku jawaabay:

”Haa waan sameeyay. Khamiistii ina dhaaftay ayay ahayd oo aan bas ku raacay magaalada Uppsala, waxaase iigu soo galay xilligii shaqada laga soo baxayay oo aan ilaaway. Baskana dad badan ma aanay saarneyn oo igumaba aanay soo dhicin.”

Hadalsame Media

Facebook Comments