KASHIFAAD: Maraykanka oo si qarsoodi ah u qaatay hub casri ah oo uu Ruushku sameeyo & Ujeedka + Sawirro

0

(Tripoli) 28 Jan 2021 – Maraykanka ayaa la sheegayaa inay Libya si qarsoodi ah uga soo daabuleen hannaan daafaca cirka oo Ruush sameega ah, kaasoo ay ka dejiyeen saldhig ay ku leeyihiin Jarmanka, si ay ugu kuur galaan sida loo sanceeyey.

Hannaanka Pantsir S-1 oo ah batari ay ku xiran yihiin gantaalo fara badan kaasoo hal mar bartilmaameedsan kara dhowr bartilmaameedyada oo kala duwan oo joog hoose ah isla markaana gaari kara 20 mayl ayaa bishii Juun la geeyey saldhigga Ciidanka Maraykanka ee Ramstein oo ku yaalla koonfur-galneed Germany.

Maraykanka ayaa si uu ujeedkiisa ugu qiil sameeyo ku dooday in uu tillaabadan u qaaday si aanu hubkani u gelin gacanta malliishiyaad ka dagaallama dalka Libya, tiiyoo ay jirto in markii horeba malliishiyo la siiyey kaddib markii ay Imaaraadku kasoo iibiyeen Ruushka.

Hannaankan ayay ciidanka Dowladda Libya ay ku qabsadeen saldhig cireedka Watiya bishii Maajo ee sanadkii tegey, balse waxay loo diray magaalada Zawiya halkaasoo ay ku qabsadeen malliishiyaad Daacish taageersan oo uu wato nin la yiraahdo Mohamad Bahroun.

Sida uu qorayo warqaadka the Times, waxay Maraykanku hubkan u qaateen inay xog sirdoon ka helaan kaabayaasha uu ka dhisaalan yahay si ay u fahmaan hab-howleedka uu ku shaqeeyo iyadoo ay Maraykanku aad u xiisaynayeen tan iyo markii lasoo ridey daroon uu Maraykanku sameeyey, gaar ahaan US Reaper, oo la soo ridey Nofeembar 2019-kii, kaasoo lagu soo ridey Pantsir-kan Ruushka.

 Hadalsame Media