Turkiga oo isku raacay ciidamo badeed oo roondaynaya xeebaha Somalia

0

(Ankara) 27 Jan 2021 – Baarlamanka Turkiga ayaa shalay xilli dambe meel mariyey in mudada loo kordhiyo Ciidanka Badda Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, Biyaha Somalia iyo Badda Carabta.

Gacanka Cadmeed oo u dhow Yaman waa marinka 4-aad ee ugu wayn caalamka ee ay saliiddu marto, isagoo qarqarka ku haya marinka Bab el-Mandab Strait oo ah meesha ugu badan ee ay ku shiraacato saliidda qeeriin ee Bariga Dhexe.

Waxaana marinkaa deris la ah Somalia oo ah dal aan waqti xaadirkan amaankiisa gacanta ku haynin.

Ciidanka Badda Turkiga ayaa tan iyo markii halkaa la geeyey 2008-dii, waxaa heshiiska ay ku joogaan loo cusboonaysiiyey 12 jeer.

Hadalsame Media