Turkiga oo laga keenayo gawaari gaashaaman oo casri ah oo lagula dagaallamo Al Shabaab + Sawirro

0

(Nairobi) 27 Jan 2021 – Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa 118 gaari oo kuwa gaashaaman ah isla markaana askarta qaada kasoo iibsanaysa Turkiga, kuwaasoo la sheegay in lagula dagaallamayo kooxda Shabaab ee Somalia ka jirta.

Afhayeenka KDF Gaashaanle Zipporah Kioko ayaa u sheegtay Star DoD in ay haatan soo afjarayaan heshiis ay hubkan uga soo iibsanayaan sharikad Turkish si ay usoo qaataan gaadiidkan bandhigga wanaagsan ee APC.

Warqaadka The Star ayaa qoraya in gaadiidkani uu ku kici doono Sh7.7 bilyan oo shilin, iyadoo gaadiidka noocan ah ee ay haatan Kenya haysataa ay kala yihiin Puma M26-15, WMZ 551BSI, Mamba MK5, Bastion iyo CS/VP 14, kuwaasoo ciidanka la siiyey min 2010 ilaa 2019, waxaana la wada geeyey Somalia, balse bandhigooda looma bogin.

Iyadoo hadba ku xiran baahida howlgalka markaa la aadayo, waxaa gaadiidkan SARP ku xirmaya qori darandoorri u dhaca oo uu maraarihiisu yahay 12.7mm, mid 40mm ah oo si otomaatig ah u gana bambaanada ama 7.62mm oo darandoorri u dhaca.

Afhayeenadda ayaa intaa raacisay in Kenya ay raadsatey gawaari gaashaaman oo kasoo bixi kara baahida ciidankooda, balse markii ay qandaraaska u bandhigtay 3 sharikadood oo sameeya agabka ciidanka ay ku guulaysatey midda Turkiga ah ee Katmerciler HIZIR oo kasoo baxday wixii ay u baahnaayeen.

Labada sharikadood oo kale ee laga guulaystey waa mid South African ah iyo mid North American ah.

Hadalsame Media