DARAASAD: Mahadhada uu muranka & khilaafka waalidku ku reebo ilmohooda (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 27 Jan 2021 – HaSaamaynta carruurtu kala kulmayaan xariirrada sumaysan ama jirran had iyo goor ma noqdaan sida loo qiyaasayo ama inta la qiyaasi karo.  Qaybtii 1-aad…

Tusaale, furriinka – ama waalidka kala nool kaddib markii ay dagaaleen – ayaa badiyaa la arkaa inay saamayn burburiso ah ku yeeshaan carruur badan.

Yeelkeede, midda haatan la ogaadey ayaa ah in murannada iyo khilaafaadka dhaca kahor, inta lagu jiro iyo kaddib markii la kala tago ayaa ah midka jugta ugu wayn u gaysta carruurta, marka loo eego kala tagga laftiisa.

Si taa la mid ah, waxaa la sheegayaa in hidde-sidku uu door laxaad leh ka qaato sida ay carruurtu ula fal galaan khilaafaadka waalidka, marka la eego diiqadaha ilmaha ku dhaca min welwelka, buufiska ilaa noocyada kale sida psychosis-ka oo ah marka uu qofku xaqiiqada ka dhex boxo ee uu maqlo, uriyo ama rumaysto wax aan jirin.

Waxaa kale oo muhim ah tayada xiriirka uu waalidku ilmaha la leeyahay sida haddii ay wada nool yihiin iyo dabarka isku xiraya haddii tusaale ahaan ay yihiin ilmo ay wada dhaleen, uu midkood dhalay, bacrimis ku dhashay iyo haddii ay ilmuhu yihiin kuwa la korsaday.

La soco qayb kale…

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media