Cristiano Ronaldo oo jac ku dhejiyey Sucuudiga oo dalab qaali ah usoo bandhigay

0

(Riyaad) 27 Jan 2021 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaa sida la sheegayo iska diidey dalab ku kacaya malaayiin doollar oo uu iidheh ugu samayn lahaa dalxiiska Sucuudiga Carbeed.

Heshiiska ayaa ku kici lahaa $6m oo doollar sanadkii waxaana ka mid ahayd in sawirrada iyo muuqaallada CR7 lagu adeegsado iidhehyada loo sameeynayo dalkaasi, iyo inuu booqasho ku tago dalkaasi, sida uu dhigayo Telegraph.

Ninka ay Ronaldo’ xafiiltamaan oo laftiisa arrintan loola geed fariistay ayaan la shaacibin go’aanka uu ka qaatay hindisahan iyadoo wakiillada labada ninba ay diideen inay arrintan si rasmi ah uga hadlaan, sida uu warqaadku qorayo.

Ciyaaraha iyo madadaalada ayaa ka mid ah aragtida MBS oo doonaya inuu ilo kale kusoo kordhiyo dhaqaalaha dalkiisa oo haatan inta badan ku tiirsan dakhliga shidaalka isagoo sidoo kale doonaya inuu hagaajiyo sumcadda caalamiga ah ee dalkiisa.

Yeelkeede, kooxaha xuquuqda aadanaha sida Amnesty International ayaa aad u cambaareeya diiwaanka xuquuqda aadanaha ee dalkaasi, iyagoo ku baaqa in la qaaddaco.

Hadalsame Media