Millateriga Israel oo lagu eedeeyey inay lo’ kasoo dheceen lo’leey Lubnaaniyiin ah (War ay soo saareen)

0

(Bayruud) 27 Jan 2021 – Millateriga Israeli ayaa sheegay in lo’ kasoo gudubtey xadka Lubnaan dadkii lahaa loo celin doono, kaddib markii ay lo’leey Lubnaani ah oo xadka deggani ay ku eedeeyeen inay lo’dooda dheceen jeer ay daaqaysey degaanka lagu muransan yahay, sida ay qortay Reuters.

Lubnaan iyo Israel ayaa farsamo ahaan ah laba dal oo uu dagaal u dhexeeyo maadaama aanu jirin heshiis rasmi ah oo u dhexeeya isla markaana ay ku muransan yihiin bad iyo berriba.

Lo’leeyda tuulada Wazzani ayaa roondada Israel ku eedeeyey inay kasoo tillaabeen khadka caddayska ah kaasoo u dhexeeya dayr silig ah oo labada dhinac u dhexeeya iyo xitaa ”khadka buluugga ah” oo loogu tala galay ciidamada nabad ilaalinta ah ee QM, iyagoo kaddib kaxaystay 7 neef oo lo’ ah, sida ay sheegeen.

Kamaal Al Axmed oo lo’leeyda degaanka ka mid ah isla markaana ku dooday in ay 3 neef ka maqan yihiin, ayaa sheegay in ay 20 sanadood halkaa lo’da ku dhaqayeen dhulkuna uu yahay midkii ay abid deganaayeen oo ay awoowayaashood kasoo gaareen.

Yeelkeede, afhayeen u hadlay millateriga Israel ayaa beeniyey inay lo’da dheceen isagoo sheegay inay dhankooda usoo tallaabeen balse ay u celinayaan dadkii iska lahaa, iyagoo marsiinaya maamulka halkaa ka jira.

Hadalsame Media