DF Somalia oo ka hadashay waxa ka jira inay fasaxday Jaadka Kenya

0

(Muqdisho) 28 Jan 2021 – Wasiirka Maaliyadda DF Somalia, Abdirahman Beileh, ayaa beeniyey warar sheegayey inay fasaxeen Jaadka Kenya, isagoo ku doodaya in warkiisa khalad loo fasirtay.

Wasiirka ayaa sheegay in aan la fasixin Jaadka Kenya, balse uu ka hadlayey inaysan jirin xannibaad saaran midka Itoobiya.

Bayle ayaa markii uu hadlayey ee hore aan warkiisa ku xusin dal gaar ah, taasoo keentay inay saxaafadda qaar, oo ay ku jirto midda Kenya, u fasiraan in la fasaxay Jaadkii Kenya.

DF Somalia ayaa bishii Maarso soo rogtey in Jaadka la joojiyo si loo yareeyo faafidda Covid-19, balse markii ay dib u fasaxday duullimaadyadii caalamiga ahaa bishii Luulyo waa diiddey in dalka lasoo geliyo Jaadka Kenya, waloow ay fasaxday midka Itoobiya.

Hadalsame Media