Turkiga oo Deked casri ah u dhistay dhoofinta gaaska uu ka helay Badda Madoow

0

(Ankara) 26 Jan 2021 – Turkiga ayaa durba ka shaqo bilaabay soo saarista gaaska uu ka helay Badda Black Sea, taasoo keentay inuu diyaariyo dekedda Filyos Port, taasoo ah midda 3-aad ee ugu ballaaran dalkaasi.

Sharikadda ay dowladdu leedahay ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) oo gacanta ku haysa sahanka, sifaynta iyo safrinta shidaalka dalkaasi ayaa dekedda ka dhisanaysa xarun kayd ah iyo hooso lagu dayactiro tubooyinka iyo haamaha waawayn, iyadoo shaqo u abuurtay 2,000 oo Turki ah.

Maareeyaha Wershadaha iyo Tiknoljiyadda Gobolka, Yaşar Karaman, ayaa sheegay in fursaddani ay gobolka Zonguldak, oo dhaca woqooyiga Black Sea oo ah halka ay dekeddani ku taallo, ay siin doonto il biddaal ah oo uu dakhli ka helo maadaama uu haatan ku xiran yahay qodaalka dhuxul dhagaxda oo ah halka uu ka helo dakhliga ugu badan.

Dekeddan oo dhismeheeda la bilaabay 2016, ayaa waxay muhim u noqon doontaa ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan dhoofka shidaalka.

Hadalsame Media