DF Somalia oo uu kasoo yeerey war ay ku faraxday Kenya & isdar dar ku jira

0

(Nairobi) 26 Jan 2021 – Saxaafadda Kenya ugu afka dheer ayaa faafinaysa war sheegaya in DF Somalia ay si ”rasmi ah xannibaadda uga qaadday” Qaadka Kenya, waloow ay sheegeen inay shuruudo la socdaan.

Waxay qoreen in Wasiirka Maaliyadda, Dr Abdirahman Dualeh Beileh, uu sheegay inay fasaxeen in Jaadka la keeno Somalia, balse loo baahan yahay inay ku socdaan hab-raac ganacsi oo saaxi ah.

“Jaadku waa inuu si sharci ah ku yimaadaa, markaas cidna ma diidayso in lasoo geliyo,” ayuu yiri ayuu qoray Daily Nation.

 “Ma aha in dalka la iskaga soo geliyo si kasta, dayuurad, dameer iyo xitaa qof iska socda.” ayuu raaciyey, isagoo dalbaday in ay ganacsatadu qaataan shati sharciyaysan isla markaana ay canshuurta iska bixiyaan.

Waloow warka uu shalay wasiirku sheegay uusan ka dhignayn mid ay DF si toos ah dib ugu fasaxday Jaadka oo sanadkii hore la hakiyey, misna haddii ay tani rumoowdo waxaa ku jira is dar dar badan, waayo haatan wuu go’an yahay xiriirka labada dal, tan kale waxaa weli taagan xiisadda labada dhinac sida dagaalka Beled Xaawo.

Hadalsame Media