”Waxaa noo diyaar ah gantaal Seef-cireed ah!” – Dayuuradaha Shiinaha & Taiwan oo hawada isku helay

0

(Taipei) 26 Jan 2021 – Ciidamada Cirka Taiwan ayaa sheegay inay hubaysan yihiin diyaarna yihiin, iyagoo dhoollatus qaylo badan sameeyey, kaddib markii ay raxan ka tirsan Ciidanka Cirka Shiinuhu ay todobaad dhamaadkii soo galeen hawada jasiiradda.

Taiwan, oo uu Shiinugu sheegto inay geyi ahaan isaga ka tirsan tahay, ayay xiisaddu kacsanayd tan iyo markii ay Sabtigii iyo Axaddii hawadooda koonfur galbeed soo galeen dayuuradaha guuxooda ka dheereeya iyo kuwa wax garaaca ee nukliyeerka xambaari kara, taasoo ay kaga dabaaqayeen Maraykanka oo raxan maraakiib dagaal ah keenay Badda South China Sea.

Saldhi-cireedka ku yaalla magaalada koonfureed ee Tainan, oo ay yaallaan dayuuradaha maxalliga ah ee F-CK-1 Ching-kuo, kuwaasoo mar kasta hawada ka celiya dayuuradaha Shiinaha.

Dayuuradaha dagaalka taatikada ayaa la kiciyey iyagoo 5 daqiiqadood kaddib xilligii ay qayladhaantu soo gaartey iyagoo ku hubaysan gantaalka Maraykan-sameega ah ee Sidewinders iyo midka ay Taiwan soo saarto ee kuruuska cir ka dhulka ah ee Wan Chien oo sidoo kale loo yaqaan Seef-cireed.

Gaashaanle Lee Ching-shi ayaa u sheegay Reuters in ay diyaar u yihiin inay markasta u babac dhigaan xero-taraarka Shiinaha hawadooda ka galaa baxaya.

Hadalsame Media