”Laba sabadood dartoodba Somalia uma baahna inay u noqoto 91 & 69 midkoodna!”

0

(Hadalsame) 26 Jan 2021 – Bismillah, ummadaha ay colaadaha iyo kala qeybsanaantu ragaadiyeen waxaa lagu yaqaannaa ineysan sooyaalkoodana isku waafaqsaneyn. Tusaale waxaa kuugu ah sida Soomaalidu ugu kala ra’ayi duwan yihiin dhacdooyinkii 26 January 1991.

Qaar baa u arka in towrad barakeysan iyo kacaan hanuunsan ay burburiyeen jabhado qabiil oo shisheeye soo abaabulay. Kuwa kalena waxay arkaan in nidaam kalitaliye ah oo xukunka boobay, 21 sanana qori caaraddiis ku heystay, in dalka iyo dadkaba laga xoreeyay.

Xagal kasta oo aad ka eegto, xaqiiqdu waxay kusoo uruureysaa:

1. Afgambigii askarta ee 1969-kii ee laalay dastuurkii ummaddu ku heshiisay, aftidana ku ansixisay, wuxuu na dhaxalsiiyey burburkii dowladnimada, colaad sokeeye, macluul iyo kala go’idda dalka.

2. Jabhadihii xukunka ka tuuray nidaamkii kalitaliska ahaa waxay ku fashilmeen iney hantaan himilooyinkii shacabka ee ahaa iney dalka u dhisaan dowlad loo dhan yahay oo ku dhisan dastuur iyo dimoqraadiyad dhab ah.

Casharka laga baran karo waxa waaye inaan dalka 1969 iyo 1991 midna loo celin. Waxaan leennahay casri dahabi ah oo ah 1960-1969-kii, markii aan aheyn dimoqraadiyadda ugu firfircoon Afrika.

Wabillahi towfiiq.Waxaa Qoray: Cabdi CaynteHadalsame Media