Ururka Midowga Afrika oo soo saaray war ka duwan midkii ay Kenya doonaysey

0

(Addis Ababa) 26 Jan 2021 – Guddoonka ururka Midowga Afrika, Mousa Faki, ayaa war kasoo saaray xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada Beled Xaawo oo ay soo weerareen ciidamo ay soo jiscintey Kenya.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuu si walaac ku dheehan yahay ula socdo xiisadda ka taagan xuduudda Somaliya iyo Kenya, isagoo labada dal ee deriska ah ku booriyay inay is xakameeyaan.

Wuxuu Faki sidoo kale soo jeediyey in arrinta lagu xalliyo geeddi socod ay horseed ka tahay IGAD isagoo tilmaamay in nabad ka dhacda xadka Somalia ay muhim u tahay xasilloonida gobolka.

Warka Faki ayaa meesha ka saaraya warqad ay shalay Kenya sheegtay inay u dirtay AU-da, iyadoo isu ekeeysiinaysa sidii in aanay wax lug ah ku lahayn xiisadda ka oogan Beled Xaawo oo ay qayb ka yihiin malliishiyaad ay iyadu saanad iyo saldhig siisay.

Hadalsame Media