Trump oo warqad u dhaafay MW Joe Biden (2 dhaqan oo soo jireen ah oo uu mid raacay midna diidey)

0

(Washington, DC) 21 Jan 2021 – MW hore ee Donald Trump ayaa warqad uga tegey MW cusub ee Joe Biden kahor intii aanu ka bxiin Aqalka Cad, sida uu xaqiijiyay afhayeenka Trump, Judd Deere.

Deere ayaa intaa raaciyey in waxa ku qoran warqaddu ay yihiin sir u dhaxaysa Trump iyo Biden, isagoo tibaaxay in warqadda Biden loo dhigay miiska Resolute ee xafiiska Oval Office.

Waa dhaqan soo jireen ah in madaxda xilka ka degeysaa ay warqad u reebaan midka bedelaya.

Trump ayaa waloow uu jebiyey dhaqan soo jirey qarni iyo bar oo ahaa in uu madaxwaynuhu ka qayb galo caleemo saarka ninka bedelaya misna ilaaliyey midka uu raacay oo ah mid soo jirey 32-sanadood.

Waxaa uu dhaqankani soo bilaambay 1989-kii, goortaasoo uu MW Ronald Reagan oo laba xilli oo xiriir ah Maraykanka xukumay uu warqad uga tegey ninkii bedeley ee George H.W. Bush, kaasoo sidoo kale u ahaa MW Xigeen.

4 sanadood kaddib Bush ayaa warqad u reebay Barasaabkii Gobolka Arkansas, Bill Clinton, oo xilka kala wareegayey, kaddibna sidaa ayay ku soconaysey ilaa maanta.

Hadalsame Media