3 su’aalood oo ka dhashay dilka dhiillada leh ee Guddoomiye Dhegajuun???

0

(Muqdisho) 21 Jan 2021 – Guddoomiyihii Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, Cabdixakiin Dhegajuun, ayaa xalay saqdii dhexe toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib markii gaarigiisa ay rasaas huwiyeen ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin DF.

Guddoomiyaha dhintay ayaa dilkiisa kahor saacado uun ku sugnaa magaalada isagoo kasoo noqday dalka Turkiga oo uu u jirey arrimo caafimaad oo looga soo daweeynayey dhaawacyo ka soo gaaray qarax miino oo sanadkii hore lala eegtay gaarigiisa.

3 SU’AALOOD OO KA TAAGAN DILKA DHEGAJUUN?

1 – In ciidan amaan oo ka tirsan DF ay sidaa sahlan u dili karaan qof madax ah oo la garan karo waxay keenaysaa su’aal ku saabsan isku hallaynta amaan ay sugayaan ciidamo aan iyagiiba amaan laga ahayn.

2 – Waxaa kale oo markale muran gelaya hab-raaca liita iyo dishibiliin xumada ciidanka u xil saaran amaanka. Cali Mahdi oo dorraad hadlayey ayaa sheegay in isaga oo gurigiisa u socda ay ciidamo jidka joogey oo uu isu sheegay ay ka diideen inay fasaxaan kaddib markii uu taliyihii ciidanku ku yiri ”ma aqaan Cali Mahdi”, taasi waxay abuuraysaa halis joogto ah iyo isku dhacyo dhexmara ciidanka iyo dadka jidka maraya oo ay qaar hubaysan yihiin, waana qorshe khaldan iyo khilaaf laga fursan karo oo aan daruuri ahayn.

3 – Waxaa ay dadka qaar tuhun ka qabaan sababta isku soo beegtay in Guddoomiyaha oo horay loo qarxiyey isla shalay markii uu Muqdisho kusoo laabtay la dilo. Dabcan shil iska dhacay oo aan midka hore ku xiriirsanayn waa noqon karaa, balse ma yahay?

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media