CANADA: Urur Soomaali ah oo lacag ay dalbadeen loogu diidey inaysan ”madow ahayn” & Wasiir Soomaali ah oo tillaabo ka qaaday

0

(Ottawa) 21 Jan 2021 – Madaxa urur Soomaali ah oo ka dhisan Ottawa ayaa sheegay inuu si xun u waxyeelloobey xiriirkii ay la lahaayeen Hay’adda Shaqaalaynta iyo Horumarinta Bulshada ee ESDC oo ah hay’ad heer federaal ah, kaddib markii lacag ay dalbadeen loogu diidey inaysan ”madow KAAFI ah ahayn.”

“In casrigan aan la kulanno wax sidan oo kale ah waa wax aad, aad iyo aad u argagax badan oo aan qiil lahayn.” ayuu yiri Maxamed Xaaji Aadan oo sidoo kale ka mid ah ragga asaasay ururka Somali Centre for Family Services, kaasoo ka mid ah boqollaal urur oo Soomaali ah oo lacago loogu diidey inaysan ‘madow ahayn.’

Agaasimaha Ururka Cabdirisaaq Karod ayaa sheegay inay lacagta dalbadeen xagaagii taasoo qayb ka ah mubaadaro lagu taageero bulshooyinka madowga ah si loo wanaajiyo fursadaha shaqooyinka iyo qayb kale oo lagu dayactiri lahaa xafiiskooda oo uu sheegay inuu shaqaynayey 28-sanadood.

Yeelkeede, waxaa bishan Jannaayo loosoo diray e-mail sheegaya in ururkoodu aanu ahayn mid ”madow ah oo ay dad madow ihi hoggaamiyaan”.

Wasiirka Arrimaha Qoyska, Carrruurta iyo Horumarinta Bulshada, Axmed Xuseen oo ah nin Soomaali ah oo ay ESDC wasaaraddiisa hoos tagto, ayaase arrintan aad u dhaliilay mar uu qoraal soo dhigay Twitter.

“Warqadda laga diray waaxdayda ee lacagta loogu diidey ururka waa mid aan gebi ahaanba la aqbali karaynin. Isla markii la isoo gaarsiiyey waxaan dalbaday in lagu noqdo anigoo saraakiisha kala hadlay sida uu khalad noocan ihi ku dhici karo marka horeba.” ayuu ku qayliyey Xuseen oo ballan qaaday in aanu dib u dhici doonin khaladkani.

Hadalsame Media