Horyaalka Talyaaniga oo muddo 14 sanadood ah kaddib kusoo noqday kaalinta 1-aad

0

(Roma) 21 Jan 2021 – Horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa noqday horyaalkii ugu fiicnaa sanadkii hore ee 2020 sida uu qabo Xiriirka Caalamiga ah ee Taariikhda & Tirakoobka Ciyaaraha ee FFHS, isagoo ka hor maray EPL.

Waa markii ugu horreeysey ee muddo 14 sanadood ah uu Horyaalka Talyaanigu uu dunida 1-aad ka galo, iyagoo horay 10 jeer horay ugu guulaysey min 1991-2006-dii.

Sidoo kale kooxaha Talyaaniga ayaa 3 ku yeeshay 7-da naadi ee ugu sarreeya caalamka, taasoo Serie A siisay 1,026 dhibcood sanadkii tegey ee 2020-kii.

Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa 2-aad ku galay 1,003 dhibcood, Brazil ayaa 3-aad ku jira isagoo helay 964, Spain 4-aad 954, halka Bundesliga uu 5-aad ku galay 864 dhibcood.

Hadalsame Media