Sida uu cudurka Covid-19 uu u kashifay sida sida ay u liitaan nidaamyada Galbeedku

0

(Hadalsame) 21 Jan 2021 – Buugga “THE WAKE UP CALL” oo ay isla qoreen labada qoraa John Micklethwait and Adrian Woolridge waxay ku qaadaadhigeen sida cudurka COVID-19 u qaawiyay oo bannaanka u soo dhigay jilicsanaanta maamul ee dawladaha galbeedka. Waxay buugga uga hadleen sidii fooshaxumayd ee dawladaha galbeedku ugu guuldarraysteen la tacaalidda cudurka COVID-19 halka dhiggooda Eeshiyaanku si qurux badan oo la majeerto u la tacaaleen dadkooda iyo dhaqaalohoodana uga badbaadiyeen dhimasho badan iyo burbur.

Labada qoraa waxay si wayn uga qaylodhaamiyeen isku dhexyaaca siyaasadeed iyo sinnaanta la’aanta dhaqaale iyo caafimaad ku habsaday dawladaha reer galbeed gaar Maraykanka iyo Ingiriiska. Waxay isbarbardhigeen hufnaanta iyo kartida maamul, tan dhaqaale, tan tiknoojiyadeed iyo tan waxbarasho ee u dhaxaysa dalalka galbeedka iyo kuwa Eeshiya waxayna barbadhigeen sidii dawladaha galbeedka qarnigii 18aad boorka ugu reebeen Shiinaha iyo Imbaraaddooriyaddii Cusmaaniyiinta.

“Qarnigii 18aad markii Imbaraaddooriyaddii Cusmaaniyiintu ay inta ay barkinta dheeraystay hurdada dheer gashay boqorkii Shiinuhuna amray in la burburiyo maraakiibtiisi waa waynayd asaga oo ku dooday in aan Shiinuhu u baahnayn maraakiib waa wayn oo badaha u kala gooshta ama dunida kale qabsata maadaama dunida kale aysan nacfi iyo nuxur ah ku soo kordhinayn Shiinaha,” ( Micklethwait iyo Woodridge).

Qorayaashu waxay farta ku fiiqeen habacsanaanta iyo faadhiidnimada ku habsaday maamulayaasha dawladaha galbeedka ayaga oo tusaale u soo qaatay Talyaaniga oo ilaa 1990kii ayay la rafanayaan bilaabidda buundo isku xirta Sicily iyo Talyaaniga intiisa kale. Garmalka oo dhismaha garoonka doyaaraha Frankfurt qaatay in ka badan 10 sannadood; iyo balolka iyo basanbaaska ku dhacay kaabayaasha dhaqaale ee Maraykanka.

Waxay kale oo dib u dhaca reer galbeedka dusha u saariyeen bolalka ku habsaday dimoqraadiyadda galbeedka iyo xukunka oo gacanta u galay koox yar oo maalqabeenno ah. Si taas la mid ah waxay oo buugga ku qaadaadhigeen hannaanka maamulka guud ee galbeedka oo ah mid duqoobay oo aan noqday mid isku daxalaystay oo aan muddo dheer dib u habayn lagu samayn kaas oo curyaamiyay oo dhiigbaxna ku ah miisaaniyadaha dawladaha galbeed waxayba tusaale u soo qaateen tusaalayaashaan hoose oo kala ah:

1. Xiriirka ka dhexeeya Kalifoorniya “Prison Guards and Local Republicans help to build jails and pass tough laws to fill them” kaas oo koox farakutiris ahi ka macaashto.

2. Kharashka ku baxa US POSTAL SERVICE 80% shaqaale ayuu aadaa halka FedEx kaliya 32% uu yahay.

3. Giirigga shaqaalaha rayidku 50 jir ayay hawlgab ku noqon karaan. Halka Faransiiska darawallada tareennadu 55 jir ay ku hawlgabaan. Rio xeebaha dabaashu maalmaha shaqada waxay la ciirciirayaan hawlgab shaqaalaha rayidka ah ka soo tagay oo baashaalkooda iyo raaxaysigoodu canshuur bixiyayaasha dusha ka saaran yahay.

4. Maraykanka khasnadda Social security fund way faaruqaysaa sannadka 2035, halka Medicare fund ay haawan doonto 2026.

Waxa kale oo ay dib u dhaca galbeedka waxa ka siiyeen hannaanka waxbarashada oo ah mid duqoobay, aan hufnayn, caddaaladna aan ahayn, macallimiintuna yihiin kuwa aan karti iyo hufnaan lahayn. Halka kuwa Eeshiya macallimiina iskoolladu yihiin dadka bulshada ugu aqoon badan ugu na hawlkarsan macallinkii hannaanka la jaanqaadi waayana si deg deg ah shaqada looga eryo, halka Yurub iyo Maraykan aan maamullada iskoollada awood u lahayn in ay shaqada ka eryaan macallimiinta waxmatarayaasha ah.

Ugu dambayn qorayaashu waxay dawladaha galbeedka ku la taliyeen in ay dib u habayn sal iyo baar ah ku sameeyeen hannaankooda dhaqaale, kan waxbarasho, kan caafimaad iyo kan maamul haddii kale goor aan fogayn waxa ay dib ugu noqon doonaan halkii ay joogeen qarniyadii 14aad iyo 15aad.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media