”Dharkii ayay iga siibeen!” – Wiil Soomaali ah oo sheegay inay si xun u ”bahdileen” Booliiska Sweden

0

(Malmö) 21 Jan 2021 – Wiil Soomaali ah ayaa Booliiska Sweden ku eedeeyey inay kula keceen cunsuriyad iyo gooni beegsi uu bahdil wehliyo.

Cabdirisaaq Shukri ayaa sheegay in booliisku ay gaarigiisa joojiyeen bilowgii bishan Jannaayo iyagoo ugu yeerey ”doqon iyo damiin”, isla markaana ka qaatay shatigii gaari wadista oo ay muddo ka haysteen.

Shukri ayaa intaa raaciyey in deeto isbitaal loo kexeeyey kaddibna dharka dhan laga siibey iyadoo loo sheegayo in ”daroogo laga baarayo”, sida ay faafisay Ekot iyo P4 Malmöhus.

Shilkan oo ka dhacay Malmö ayuu ku tilmaamay bahdilkii ugu xumaa ee uu abid kala kulmo Booliiska Sweden, isagoo dareensan in loo beegsaday midabkiisa madowga ah dartii.

Taliye Xigeenka Booliiska Malmö, Mattias Sigfridsson, ayaa ku dooday in booliisku aanay cidna ”sinji ahaan u beegsanin”, balse wuxuu ku dooday in si gaar ah loo baaro gawaarida xaafadaha ay ajnabigu ku badan yihiin.

Hadalsame Media