Turkiga oo sheegay inay mar dhow ka mid noqonayaan dalalka dejiya AJENDAHA caalamka & sababta

0

(Istanbul) 21 Jan 2021 – Maadaama ay 5-tii sanadood ee ugu dambeeyey aad sare ugu kacday maalgashiga uu Turkigu ku sameeynayo wershadihiisa agabka ciidanka, waxay taasi mar dhow Turkiga ka dhigaysaa mid ka mid ah dalalka safka 1-aad, suda uu qabo Wasiirka Wershadaha iyo Tiknolojiyadda dalkaasi, Mustafa Varank oo goor dhow hadlayey.

Wasiirka oo ka qayb gelayey kulan dhanka khadka ah oo ay qaban qaabisay SAHA kaasoo ay soo agaasintey Rugta Ganacsiga Istanbul ayaa sheegay in agab ciidan oo casri ah oo ay ku jiraan dayuuradaha is wada ay dhowaan ka iibiyeen Ukraine, Qatar, Azerbaijan iyo Tunisia.

Wuxuu soo qaatay warkii Wasiirka Gaashaandhigga U.K., Ben Wallace oo horay u sheegay in daroonnada Turkigu ay haatan “farqi sameeynayaan” taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa sarraynta tayadooda.

Varank ayaa sheegay in Turkiga oo hub ku kacaya $340 milyan oo doollar oo qura dhoofin jirey 2005, uu haatan dhoofiyo mid ku kacaya $3 bilyan oo doollar, isagoo tibaaxay in Turkigu uu mar dhow ka mid noqon doono dalalka dejiya ajendaha caalamka halkii uu raaci lahaa uun.

Hadalsame Media