MBS oo ay godkiisa biyo ugu soo galeen (Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka oo wacad ku maray in…)

0
Crown Prince of Saudi Arabia Mohammad bin Salman attends the Gulf Cooperation Council (GCC) summit in Mecca, Saudi Arabia May 30, 2019. Picture taken May 30, 2019. Bandar Algaloud/Courtesy of Saudi Royal Court/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. - RC182A708080

(Washington, DC) 20 Jan 2021 – Ninka MW dooran ee Joe Biden oo maanta xilka la wareegaya ugu magacaaban Agaasimaha Sirdoonka Qaranka (DNI) ayaa wacad mu maray inuu sii dayn doono dokumentiyo sir ah oo ku saabsan cidda dishey Jamaal Khashuuqji, taasoo ah dalab ka yimid Koongarayska Maraykanka oo ay iska dhiga tireen maamulkii Trump, sanadkii hore.

Intii lagu jirey dhegeysigii magacaabistiisa ee Senetka, wuxuu shalay ballan qaaday Avril Haines, in haddii ay magacaabistiisa aqbalaan uu sharciga raaci doono oo uu dokumentiyada sirta ah ee ku saabsan khaarajinta Khashuuqji uu ku wareejin doono Koongarayska.

Senatar Ron Wyden, oo ka tirsan Dimoqraadiga isla markaana si aad ah ugu ololaynayey in lasii daayo dokumentigaa ayaa Haines ugu baaqay inuu wax ka bedelo ”hab-dhaqankii xeerka gefsanaa” ee maamulkii Trump.

Haines ayaa sidoo kale qaab qoraal ah Senetka ugu gudbiyey inuu dokumentiyadaas oo aan weli shacabka lala wadaagin uu soo fasaxayo marka uu xilka la wareego.

Arrintan ayaa markale soo noolaynaysa cadaadiska MBS oo xilligii Trump garbayn aan caadi ahayn ka helay MW degaya.

Hadalsame Media