Suuriya oo ka hadashay ‘kulan qarsoodi ah” oo la sheegay inay la yeelatay Israel (Dal aan laga filayn oo agaasimey & ajendayaal yaab leh)

0
Dayuurad ah Su-35 oo ku sugan saldhig cireedka uu Ruushku ku leeyahay Hmeimim oo kicitaan u diyaar garoobaysa.

(Dimishq) 20 Jan 2021 – Wasiir Dibadeedka Suuriya ayaa beeniyey warar soo baxay oo sheegaya inay bishii hore kulan qarsoodi ah la yeesheen saraakiil Israeli ah kaasoo ka dhacay saldhig cireedka uu Ruushku ku leeyahay Hmeimim, Suuriya.

Sida uu qoray warqaadka afka dheer ee Asharq Al-Awsat, kulankan oo uu agaasimey Ruushka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ku jiraan inay Suuriya ka baxaan kooxaha malliishiyaadka ah ee ay Iiraan taageerto, halka Suuriya ay dalbatay waxyaabo ay ka mid yihiin in lagala shaqeeyo ”bixinta qaamo ay ku leedahay” Iiraan, in laga qaado cunaqabataynta Galbeedka iyo dalab kale oo la yaab leh oo ah in laga caawiyo kusoo noqoshada ururka fadhiidka ah ee Jaamacadda Carabta.

Warbixintan oo laga soo xigtey webka Turkish-ka ah ee Jusoor, ayaa sheegay in Suuriya ay kulankaa u dirtay Madaxa Nabad Sugidda Qaranka, Ali Mamlouk, ninka Madaxtooyada ugu qaybsan amaanka, Bassam Hassan, Abaanduulkii hore ee Ciidanka Israel, Jen Gadi Eizenkot iyo Taliyaha Ciidanka Ruushanka ee Suuriya Jooga, Jen Alexander Chayko.

Yeelkeede, Wakaalad Wareekda Suuriya ee SANA ayaa beenisey warkan iyadoo soo xiganaysa WAD oo warkan ku tilmaantay mid ay “la wareegayaan warbaahin shisheeyaha u kiraysan”.

Dayuurad ah Su-35 oo ku sugan saldhig cireedka uu Ruushku ku leeyahay Hmeimim oo kicitaan u diyaar garoobaysa.

Hadalsame Media