YAAB: VAR oo xalay laga adeegsadey Aqalka Senetka Talyaaniga & sababta (Daawo)

0
Italian Prime Minister Giuseppe Conte addresses the upper chamber, the Senate, in Rome, Italy December 9, 2020. REUTERS/Remo Casilli

(Roma) 20 Jan 2021 – VAR ayaa Talyaaniga iyo dunidaba ka noqday aalad aad loo hadal qaado isagoo xalay gaarey Senet-ka Talyaaniga oo codka kalsoonida u qaadayey Xukuumadda Talyaaniga.

Ninka dhaqan-gelinta aaladda VAR oo Serie A-du ahayd horyaalkii ugu horreeyey dhanka Yurub aadka ugu ololeeyey wuxuu ahaa Adriano Galliani oo xilligaa ahaa Agaasimihii Guud ee AC Milan, isagoo haatan ah Madaxa kooxda Serie B-da ah ee Monza.

Galliani ayaa sidoo kale Senatar ah marka wuxuu xalay joogey Roma si codka kalsoonida loogu qaado Xukuumadda RW Giuseppe Conte oo codkaa heshay.

Waxaa muran ka dhashay codka Senatar Alfonso Ciampolillo oo ku doodayey inuu codeeyey kahor waqti-dhicii (deadline), waloow wax kasta loo diiwaan geliyey si elektaroonig ah inuu soo daahay.

Wuxuuna gacantiisa ku tilmaamay astaanta ‘VAR’ taasoo keentay in Guddoonka Senet-ka ee Senate Elisabetta Casellati ay istaagto si ay dib ugu daawato muuqaal ku celis ah oo ku saabsan geeddi socodkii codaynta.

Galliani ayaa deeto ku kaftamay in ‘hadda kaddib loo baahan yahay VAR.’

Muuqaalkii ku celiska ahaa ayaana wax kala saaray oo codkii Alfonso waa la aqbalay.

Hadalsame Media