Somalia oo ku hor ceebaysan QM (Maxay ceebtu kasoo gaartey?)

0

(New York) 18 Jan 2021 – Somalia ayaa ku guuldarraysatay inay kasoo baxdo waajibaadyada dhaqaale ee xubbinimada Golaha Guud ee QM, balse lagama xayuubin doono xuquuqda codayneed ee ay leedahay.

Qaraar horraantii bishan kasoo baxay QM ayaa lagu xusay in Somalia, oo ay wehlinayaan jasiirado yaryar sida Sao Tome and Principe iyo Comoros ay lahaan doonaan xuquuqdooda codayneed tan iyo dhamaadka kal-fadhiga 75-aad oo dhacaya bisha Diseembar, sida uu saxiixay Xoghayaha Guud ee QM António Guterres.

Qodobka 19-aad ee QM ayaa qaba in dalkii bixin waaya qaaraanka lagu yeeshay muddo gaaraysa 2 sanadood oo lasoo dhaafay uu luminayo xuquuqdiisa codayneed, waloow uu haysanayo xubbinnimadiisa.

Yeelkeede, dalalka ay haystaan mixnado ka baxsan awooddooda ee sidaa ku qaabili waaya waajibkooda, xisaabta kuma jiraan, iyadoo Somalia laga doonayey inay bixiso $1, 443,640, taasoo ka yar lacagaha laaluushyada lagu kala qaato ama xildhibaannada lagu iibsado, lana micne ah inuusan jirin rabitaan lacagtan lagu bixiyo balse aan la waayin.

Dalalka Zimbabwe, South Sudan, Niger, Congo, Iran iyo Central Africa Republic ayaan lahayn qiilka Somalia oo kale sidaa darteed waa laga xayuubinayaa xuquuqdii codayneed.

Hadalsame Media