Ballaarinta khoorka Dekedda Berbera oo gebagebo maraya + Sawirro

0

(Berbera) 18 Jan 2021 – Hay’adda DP World ayaa war kasoo saartay halka ay mareeyso ballaarinta Dekedda Berbera.

Khoorka cusub oo gaaraya bed dhan 400m ah ayaa lagu ballaariyey Dekedda Berbera, Somaliland, sida uu sheegey Maareeyaha Dekedaha Somaliland.

Howshan ballaarinta Dekedda Berbera ayaa marka ay howlgasho, waxaa lagu wadaa in mugga terminaalka ay sanadkii ku kordhi doonto 500,000 TEU oo ah qaadka xamuulka, waxayna xoojin doontaa inay Berbera noqoto marin ganacsi oo wayn oo u adeegta Geeska Afrika, sida ay horay u sheegtay DP World.

Arrintan ayaa wax wayn kusoo kordhin doonta qaadka iyo adeegyada Dekeddan, waloow ay saamiga ugu badan qaadanayso isla DP World oo ay DF Somalia sharci darro ku tilmaantay, sida ay wax ku waddo.

Hadalsame Media