QAYBI OO XUKUN: Federaalka qabyaaladeysan ee Somalia (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 18 Jan 2021 – Soomaaliya iyo ‘federaalka’ – Si kooban, taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay ahayd quwad aad u xoog badan lagana tixgeliyo arrimaha mandiqadda Geeska Afrika, taasoo ay ugu wacneyd baratanka quwadaha waaweyn ee reer Bariga iyo Galbeedka ee gacan ku haynta; sidoo kalena saameynta dalka Soomaaliya halka uu ku yaalo qariidad ahaan awgeed. Halkan ka akhri qaybtii hore…

Tani, waa sababta markii horaba keentay in dhulkii iyo ummaddii Soomaaliyeed loo qaybsado, ka dib markay soo kala dhoweysteen qabaa’ilka Soomaalida. Arrintaan waxay keentay nooc kala sarrayn ah iyo is-colleysi taasoo uu gumeystuhu ugu tala-galay in uu ku sii kala qaybiyo dadka Soomaaliyeed una xukumo(QAYBI OO XUKUN).

Waxaa dalka loo kala qaybiyey gobollo, lana kala siiyey dalal; tusaale ahaan Soomaali Galbeed (Itoobiya), NFD (Keenya) iyo xeebta Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysanayey ilaa dhamaadkii todobaatameeyadii intaanay xoriyadda qaadan. Dowladihii Soomaaliya tan iyo 1960kii waxay ka shaqaynayeen si toos ah iyo si qarsoonba sidii loo xoreyn lahaa dhulalkaas maqan, waxana lagu hubeeyey Itoobiya, tusaale ahaan, jabhado ay ka mid ahaayeen tii Tigreega ee madaxda ka ahaa Meles Sanaawi.

Sidaas si la mid ah, waxaa iyana jiray jabhado kale oo uu Mingistaha Itoobiya e ku soo hubeynayay Soomaaliya si ay iyaguna u wiiqaan awoodda xad-dhaafka ahayd ee dalka Soomaaliya, taas oo ku aheyd caqabad iyo wadne-kurkur aad u weyn, jabhadihiina waxay ku guuleysteen in ay burburiyaan xukuumadihii Soomaaliya iyo Itoobiya; nasiib-darrose halka jabhadaha Itoobiya ay muujiyeen wadaniyad iyo dal-jacayl oo ay ilaashadeen dalkooda, jabhadaha Soomaaliya waxay ku dhaqaaqeen burburin hanti-dadweyne, dhac iyo xasuuq shacab iyo weliba isku-jeesasho iyaga dhexdooda ah halkii ay ka unkami lahaayeen dowladnimadii Soomaaliya.

Halkaas waxaa ka bilowday khilaaf sababay dagaal sokeeye; halka Itoobiya uu madax ka noqday Meles Sanaawi horraantii 1991gii. Isla sanadkii 1993dii, Itoobiya wax aka dhacay afti qaran oo loo qaaday in Eriteriya la xoreeyo sidaasna waxay ku noqotay dal madax-bannaan. Meles waxaa soo tababary oo maal-gashaday dadka iyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu ku noolaa guri fillo ah oo ku yaallay dhabarka dambe ee Hotel Towfiiq isaga iyo Isaayas Afwarki; waxayna si fiican u barteen afka iyo dhaqanka Soomaalida.

Haddaba Itoobiya oo iyada lafteeda haysteen caqabado gudaha ah oo ay qowmiyadeheeda kala duwani is-riixriixayeen ayaa waxaa ay jabhadii TPLF-ta ku dhawaaqday in dalka Itoobiya laga dhigay dowlad ‘federaal’ ah sannadkii 1995kii. Meles oo si fiican u fahansanaa Soomaalida iyo halka ay hannaanka afaara-qabiilka ka joogto, kaashanayana Nayroobi, sidoo kalana ay gadaal ka riixayaan quwado kale oo shisheeye, ayaa wuxuu qaatay in uu dhaqan-geliyo aragtidii laga dhaxlay gumeystaha ee ku dhisnayd ‘Qaybi oo xukun,’ waana halka aragtida Meles ee Soomaaliya in ‘federaal’ laga dhigo ay ka timid; ‘federaal’ ku dhisan laba arrimood oo aad muhiim ugu ahaa Itoobiya oo ah in uu xadduud badeed yeesho iyo in uu xadduud dhuleed la wadaago dalka Itoobiya. Sanadkii 1998dii, saddex (3) sano un ka dib qaadashadii ‘federaalka’ ee Itoobiya waxaa la aas-aasay ‘maamul-goboleedkii’ ugu horeeyay ee Soomaaliya kaasoo ku dhawaaqay kana dhaqan-galay gobollada Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Isla markii uu Meles la wareegay talada dalkiisa wuxuu bilaabay isaga oo fahmsan meesha ay ku jirto dantiisa iyo danta Itoobiya; halkaasna wuxuu ka bilaabay in uu isku hubeeyo jabhadihii Soomaalida ee xilligaas taasoo aakhirkii sababtay barakac, burbur, halaag iyo kala-firdhad ku dhacay ummaddii Soomaaliyeed.

Laga soo bilaabo sanadkii 1992dii, waxa Soomaaliya loo qabtay shirar badan oo dib-u-heshiisiineed kuwaasoo dhammaantood uu Melas ka ahaa oday diiddanaana inay ka soo baxaan wax mira-dhal ah ama wax u tari kara isirka Soomaalida. Dunida manta jirta oo nagu wareertay ka sokow, waxa kale oo jira dano istaraatiijiyadeed oo Itoobiya laga lahaa sida inay tahay quwad mileteri oo her gobol ah. Waxa dhanka kale ka caawinayey Keenya oo ay tan iyo horraantii 1960kii wada lahaayeen heshiis iskaashi mileteri oo looga soo horjeeday Soomaaliya; kuna saleysnaa diiddadooda mashruuca “Soomaali-weyn.”

La soco qayb 4-aad…

Waxaa Qoray: Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo)

E-mail: [email protected]

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments